Askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu xukumay xabsi kaddib markii ay rasaaseeyeen dad shacab ah

Muqdisho (Keydmedia) - Afhayeenka ciidamada AMISOM, Barijiye Bahuuko, ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in sedax askari oo kamid ah ciidamada AMISOM oo lagu helay denbi ah in ay si bareer ah u dhaaweceen shacab Soomaalieed lagu riday min laba sano oo xarig ah.
Warar Keydmedia Online

Barijiye Bahuuko ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in kadib baritaan dheer oo ay si wada jir ah u sameyeen ciidamada dowalda iyo kuwa AMISOM lagu ogaaday in sedaxdaasi askari ay gardarra cad ay ku dhaaweceen shacab Soomaaliye oo ku sugnaa meel aan kafogeyn garoonka diyaradaha Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay afhayenka ciidamada Shisheeye in bishii  November ee sanadkii tagay iyo bishii 1-waad ee sanadkaan ay dheceen falalka askartaasi ay shacabka ku wax yeeleyen.

Si kastaba hadalka jees jeeska u eg ee ciidamada Shisheeye ay ku sheegayaan in askar dhibaata u geysatay shacab Soomaaliyed ay ku ridden xukun xabsi gaaban ah ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalinle madaafiic ay ugu garaacaan ciidamada AMISOM goobaha shacabku degnayahay iyada oo dhacdadii ugu danbeysay ay shalay dad labaatan ruux kor u dhaafaya duqeyn ay kula dilen Bakaaraha.

Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.