Askari dil iyo dhaawac u geystay dad shacab ah

Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Balad-xaawo ayaa dil iyo dhaawac u geystay dad shacab ah

Warar Keydmedia Online
Askari dil iyo dhaawac u geystay dad shacab ah

BALAD-XAAWO, Soomaaliya - Magaalada Beled-Xaawo oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa lagu dilay mid kamida wadayaasha mooto Bajaajta, iyadoo sidoo kalena dhaawac soo gaarey laba ruux oo saarnaa mootada, sida ay u xaqiijiyeen Keydmedia Online dad goobjoogiyaal ah.

"Askari katirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, ayaa falka geystay, waxuuna si bareer ah u toogtay Darawalka Mootada, sidoo kalena waxuu dhaawacay Hooyo iyo Wiil ay dhashay oo saarnaa qeybta dambe," ayuu yiri Goobjooge.

Falka kaddib, askariga ayaa isku dayay inuu goobta ka baxsado, hayeeshee Ciidamadii ka dhawaa goobta, ayaa durbadiiba qabtay, waxaana la geeyay saldhigga, iaydoo dhaawaca labada ruux loola cararay Isbitaalka, halkaasoo lagula tacaalayo Xaaladdooda Caafimaad.

DF ayaa Muqdisho ka qaadday Ciidan fara badan, oo ay geysay Gedo sanadkii tagey, kuwaasoo joogitaankooda Xiisad ka dhex-abuuray Soomaaliya iyo Kenya, taasoo keentay in Farmaajo uu xiriirka u jaro Nairobi.

Ciidamada la geeyay Gedo ayaa kuwa Jubbaland kala wareegay dhowr degmo, iyagoo hadda billaabay in ay wax yeeleeyaan dadka shacabka ah ee ku sugan magaalada Beled-Xaawo, oo ku dhaw xadka Kenya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.