Askari dil ka fuliyay Gedo oo lagu xukumay Muqdisho

Askarigan ayaa May 2020 ku dilay Beled-Xaawo qof shacab ah oo lagu magacaabi jiray Abuukar Saalax.

Warar Keydmedia Online
Askari dil ka fuliyay Gedo oo lagu xukumay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidanka, ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Maanta Askari lagu eedeeyay inuu gobolka Gedo ku dilay qof shacab ah sanadkii lasoo dhaafay.

Askariga oo lagu magacaabo Cumar Aadan Xuseen ayaa shantii bishii May ee 2020 ku dilay degmada Beled-Xaawo Abuukar Saalax, iyadoo lagu qabtay isla goobta kadibna loo soo wareejiyay Muqdisho oo maanta lagu xukumay.

Qareenka u doodayay Askariga ayaa ka dalbadey Maxkamadda in buuga naxariista loo fiiriyo, maadaama sida uu sheegay uusan si kutala-gal ah u dilay qofka shacabka, oo uu xiligaasi difaaca kaga jiray Ciidamo soo weeraray.

Waa dable katirsanaa Ciidanka xoogga dalka xiliga uu dilka dhacayay waxaa la sheegay in goobta ay isku horfadhiyeen Boolis iyo Militeri, oo dagaal u dhaxeeyay, waxaana halkaasi soo maray Marxuumka la dilay oo bajaaj watay.

Dable Cumar Aadana ayaa sida la sheegay gamaad ka dhigtay, oo ku gambadey mootada, markii uu darawalka isku dayay inuu ka cararay goobta dagaalka xabad ka daba riday taasoo qeybaha sare ee jirka ka haleeshay kadibna u geeriyoodey.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Askariga uu haysto mudo 30 cisho ah inuu racfaan uga qaato xukunka dilka toogashadda ah, kaasoo u badan tahay in lagu fulin doono, hadii Maxkamadda Sare ee Ciidanka soo diido.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.