Askari dil lagu xukumay

Cismaan Ibraahim ayaa bishan gudaheeda Baydhabo ku dilay qof shacab ah, oo lagu magacaabi jiray Axmed Madnuur Mursal.

Warar Keydmedia Online
Askari dil lagu xukumay

BAYDHABO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya, qeybta 60-aad ayaa xukun dil ah ku riday Maanta Askari boolis ah oo qof shacab ah ku dilay bishan Suuq ku yaalla magaaladda Baydhabo.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed Askariga oo lagu magacaabo Cismaan Ibraahim Cabdi ayaa lagu helay inuu dilay Axmed Madnuur.

Gudoomiyaha Maxkamadda ayaa xusay in 30 Cisho uu haystaa Askari inuu Racfaan ka qaadan karo Xukunka dil toogashadda ah. Hadii laga aqbali waayo racfaanka, wuxuu wajihi doonaa tiirka toogashadda.

Xukunadda dilalka ay ridayso Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa cambaareeyay Hay'adda Xaquuqda Aadanaha oo sheegay in dadka la xukumo ay u badan yihiin kuwa laga tirada badan yahay iyo Carruurta aan qaan-gaarin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.