Askari katirsan Ciidanka DF oo dil lagu xukumay

Maxakamadda ayaa xukunsanaha u ogolaatay fursad uu ku furan karo Rafcaan muddo 30 cisho ah.

Warar Keydmedia Online
Askari katirsan Ciidanka DF oo dil lagu xukumay

MUQDISHO, Soomaaliya - Cumar Muxudiin Maxamuud oo ah Seddax Xarigle katirsan Ciidanka xoogga dalka, ayay Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay Dil toogasho ah kadib markii uu ku cadaadey dembiga inuu dilay Cabdullaahi Maxamed Xasan.

Askariaga ayaa dilka ka geystay agagaarka Wasaaraddii hore ee Caafimaadka ee Dagmada Boondheere ,Gobolka Banaadir 20-kii September sanadkii tagey ee 2020.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxakamadda hor keenay Saddex Marqaati oo goobjoog u ahaa markii uu falka dilka ah dhacayay iyo warqadda cadeynta dhimashada iyo baarista Boliiska saldhiga Degmada Boondheere.

Maxakamadda ayaa siisay Askariga fursad uu ku furan karo Rafcaan muddo 30 cisho ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.