Askarigii dilay Wasiir Siraaji oo la toogtey

Maxamuud C/llaahi Siraaji oo la dhashay Cabaas ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh fulinta cadaaladda.

Warar Keydmedia Online
Askarigii dilay Wasiir Siraaji oo la toogtey

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa saakay Muqdisho lagu toogtey askarigii dilay Wasiirkii Howlaha Guud, ee xukuumaddii Xasan Cali Khayre.

Axmed Cabdullaahi Cabdi (Caydiid) ayaa 6 sano kadib tiirka la geeyay, iyadoo dilkiisa soo afjaray kiis hadal-heyn badan oo soo jiitamayay tan iyo May 2017.

Askariga ayaa marar badan la isku dayay in la toogto xiligii Farmaajo balse aan suurtagalin.

"Cadaaladda ugu dambeyn waa la fuliyay. Mahadsanid Madaxweyne Xasan Sheekh, Waxaad sameysay wuxuu sameyn waayay Farmaajo," ayuu yiri Maxamuud Siraaji oo la dhashay AUN Cabaas.

Cabaas wuxuu ahaa wasiirka ugu da'da yar, 31 jir Xildhibaan noqday kadibna Wasiir, isagoo ka yimid Xerada Qaxootiga Dhadhaab oo kusoo Korey.

AUN Cabaas waxaa lagu dilay barkoontarool oo banaanka Villa Somalia xili habeen ah, isagoo ku dhexjira Gaarigiisa.

Askariga ayaa xiligaas ilaalo u ahaa Dr Nuur Faarax Jimcaale oo Hanti-dhowrkii Qaranka.

Dad badan ayaa sheegi jiray in Askari lasii daayay, iyadoo qoyska Cabaas tabanayeen cadaalad darro, balse maanta arrimahaas ay soo afjarmeen.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.