ATMIS oo carqaladeyneysa dhaarinta Xildhibaannada?

Bandowgan lagu soo rogay xerada Xalane ayaa soconaya muddada u dhaxeysa 10 ilaa 16 bishan April, waxaana bandowga sababta loogu soo rogay Xalane lagu sheegay in ay la xiriirto hawlgallo amni.

Warar Keydmedia Online
ATMIS oo carqaladeyneysa dhaarinta Xildhibaannada?

MUQDISHO, Soomaliya – Qoraal ka soo baxay Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu sheegay in 10 April oo maanta ku beegan ilaa 16 bishaan bandow lagu soo rogay xerada Xalane oo saldhig u ah hay’addaha shisheeye ee ku sugan waddanka.

ATMIS, waxa ay sheegeen in bandowgu la xiriiro howl-gallo ballaaran oo lagu sugayo ammaanka xerada Xalane, Waxaana durba lagu wargeliyey hay’adaha QM, diblomaasiyiinta caalamiga ah, ururrada aan dowliga ahayn ee NGO-yada, qandaraasleyaasha iyo Dowladda Federaalka ah.

Sida ay ku doodayaan dadka u dhuun duleela siyaasadda dalka, u-jeedka ATMIS, ka leedahay qoraalkaan ayaa ah, in la baajiyo dhaarinta Xildhibaannada ee Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Federaal [FEIT], iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, ballan qaadeen in ay dhaceyso 14-ka bishaan.

Shalay, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki, ayaa ka hor yimid War-Saxaafadeed dhawaan ka soo baxay Xafiiska RW Rooble, kaas oo dalka looga eryay Wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira, kadib markii lagu helo arrimo ka baxsan xeerarka diblumaasiyadda.

Sida Keydmedia Online, hore u baahisay, qaar ka mid ah wakiillada beesha Caalamka ee Soomaaliya, ay wada isku dayo ay ku doonayaan in Guddiga (FEIT), fasaxaan afarta kursi ee Guddigu diiday ansixinta doorashadooda, si taasi u dhacdana qeyb ayay ka yihiin bandowga lagu soo rogay xerada.

Waxaa xusid mudan in saacado kooban kadib markii uu soo baxay amarka RW Rooble, dalka uga ceyriyay Madeira, uu James Swan, kulan ku saabsan Hawlgalka ATMIS, la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda oo Farmaajo u adeega, taasoo iyana muujineysa in bandowga dhinacyo kala duwan heshiis ku yihiin.

Is weydiinta ayaase ah, haddii ATIMS, sheegto in aysan sugi karin amniga dhaarinta Xildhibaannada, gaar ahaan halka lagu ballansan yahay ee xarunta ciidanka cirka, Guddiga heer Federaal iyo RW Rooble, goob kale, ma u wareejin doonaan dhaarinta, si aan dib looga dhicin waqtigii hore loo qorsheeyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.