ATMIS oo ka hadashay dilka C/raxmaan Faarax

Warka kasoo baxay ATMIS, waxaa lagu xaqiiyay in dilkaan arxan-darrada ah ay masuuliyaddiisa leeyiihn Kolonyo ATMIS ah oo dib ugu soo laabaneysa magaalada Muqdisho shalay, waxaana warka lagu xusay carada shacab ee ka dhalatay falkaas.

Warar Keydmedia Online
ATMIS oo ka hadashay dilka C/raxmaan Faarax

CEELASHA BIYAHA – Taliska Hawlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa saacado ka dib ka hadlay dil arxan darro ah oo ciidanka shisheeye degaanka Ceelsha Biyaha ugu geysteen Cabdiraxmaan Faarax Fiidow.

Dilkaan oo dhacay galinkii danbe ee shalay ayaa yimid kadib markii ciidanka ATMIS ay gawaarida dagaalka dul marsiiyeen marxuumka oo ahaa wiil dhallinyaro ah taas oo dhalisay caro bulsho oo xooggan oo sababtay in shacabku hor istaagaan ciidanka.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyey muuqaal muujinaya dadka shacabka oo hor istaagay ciidanka howlgalka ATMIS, isla-markaana tuuryeynaya, kadib markii ay kolanyadu isku dayday in ay socodkooda oo magaalada Muqdisho ku soo wajahnaa sii wataan.

Warka kasoo baxay ATMIS, waxaa lagu xaqiiyay in dilkaan arxan-darrada ah ay masuuliyaddiisa leeyiihn Kolonyo ATMIS ah oo dib ugu soo laabaneysa magaalada Muqdisho shalay, waxaana warka lagu xusay carada shacab ee ka dhalatay falkaas.

“Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska marxuumka”, ayaa lagu yiri warka ATMIS, halka ay xuseen ay durba sameeyeen baartitaan hordhac ah oo ku aaddan sidii falka dilka ah u dhacay.

Keydmedia Online ayaa xasuusata in Ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika masuul ka ahaayeen dhimashada todobo qof oo rayid ah, kuwaas oo Agoosto 10, 2021, lagu dilay tuulada Golweyn oo qiyaastii 90 kiiloomitir (56 mayl) u jirta magaalafa Muqdisho.

Hawlgalka Midowga Afrika waa hawlgal, nabad ilaalin goboleed oo ay hawlgeliso Midowga Afrika iyada oo oggolaansho laga helay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaase xilliyo kala duwan lagu eedeeyay gabood-fallo shacab oo aan ka garaaw laahyn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.