Awdheegle: Dad ku sumoobay cunto ay cuneen

Sh.hoose(keydmedia) Afar qof oo isku qoys ah ayaa dhimatay kadib markii ay cuneen Soor la aaminsanyahay in budadeeda ay ku daatay sunta lagu dabiibo dhirta.
Warar Keydmedia Online

Falkan ayaa ka dhacay degmada Awdheegle ee gobalka Sh.hoose Habeenkii arbacada ee todobaadkan, waxaana keydmedia u xaqiijiyay Faadumo Xaaji oo ka tirsan ehelka qoyska dhibaatada ay gaartay oo telfoonka ugu warantay iyada oo ku sugan degmada Awdheegle ee gobalka Sh.hoose.

Dadka geeriyooday ayaa kala ahaa 3 caruur ah iyo qof da’ah oo ayeeyo aheyd, waxaana magacyada dadka dhintay lagu kala ahaayeen Axmed Xasan Ibraahim 9 Sano jir, Sa’ala Xasan Ibraahim 10 Sano jir  iyo C/rashiid Ibraahim Boot oo 12-sano jir ahaa isla markaana caruurta abri u ahaa, waxaana dhanka kale ayeeyada geeriyootay lagu magacaabi jiray Ay bintow Jadiire.

Arinkan ayaa waxaa aad uga naxay dadka ku nool degmada ay mashaqada ka dhacday ee Awdheegle, waxaana dadku ay si weyn ula fajacsanyihiin mashaqada xooga badan ee ku dhacday qoyskaasi.

Gobalka Sh.hoose ayaa xiliya kale duwan waxaa ka dhacay mashaqooyin waaweyn oo galaaftay nolasha dad Soomaaliyeed, waxaana ay aheyd sanadkii hore markii qeyba ka mid ah gobalka Sh.hoose ay dad ugu geeriyoodeen caano sumeysan oo ay cabeen,.

www.keydmedia.net

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.