Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Waxuu iska hor-mariyay Ciidan kuwa Jubaland katirsan, madaama meesha uu socdo ay DF maamusho, islamarkaana ay suurta-gal tahay in la xiro.

Warar Keydmedia Online

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland ayaa ku biiray madaxda ku kulmaysa Dhuusamareeb saacadaha soo socda, kuwaasoo kulankooda iclaamiyay markii uu fashilmay shirkii u watay Farmaajo ee dhici lahaa 5ta bishaan.

Waxaa Dhuusamareeb kuwada sugan hadda shanta Madaxweyne ee Maamullada dalka, iyadoo kuwa Puntland iyo Jubaland ay la tageen magaaladda Ciidan u gaar ah, taasoo muujinayso inaysan kalsooni ku qabin Ciidamada kale, ha ahaadaan kuwa DF ama Galmudug.

Shirka waxaa looga hadli doonaan sida ay wararku sheegayaan qodobo dhowr ah, oo doorashadda ugu horeyso iyo arrimaha kale ee khilaafka ka taagan, sida dastuurka iyo wadaagga khayraadka wadanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.