Axmed Madoobe oo Jawaab kulul ka bixiyay hadalkii RW Rooble

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii RW Rooble

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo Jawaab kulul ka bixiyay hadalkii RW Rooble

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Maanta Kismaayo, isagoo ka yimid magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, ayaa si kulul uga hadlay go'aanka dowladda ee qabashadda doorasho aan loo dhameyn. 

Axmed Madoobe wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkii Qoor-Qoor, ee ahaa in wada-hadalladii uu waday uu jawaab ka waayay dhinaca Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland, sidaas darteedna ay fashilantay dhexdhexaadintii uu wadey.

Waxuu kasoo horjeestay go'aankii Rooble ee ahaa in doorashada la guda galo, iyadoo aan la xalin khilaafka taagan, islamarkaana aan wax-tixgelin ah la siinin tabashooyinka Mucaaradka iyo Maamullada qaar.

Ugu dambeyntii, waxa uu soo jeediyay talo ah in arrinta doorashooyinka aan la fududeysan, waxuuna qiray in arrinta Gedo ay tahay arrin la xiriirta Doorashooyinka, oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin in inay u dhacdo si lamida tan dowlad goboleedyada kale ee dalka, hadii laga heshiiyo khilaafka.

Madoobe waxuu ka digay arrinta uu wado Farmaajo ee ku aadan boobka Doorashada, waxuuna xasuusiyay in 2016 markii uu ololaha galayay inuusan Gedo imaan, sidoo kalena uusan ka bixin wax talo ah, maantana waxa uu wadaa qorshe uu kaga fakarayo kuraata Gobolka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.