Axmed Madoobe oo la kulmay Safiirka Mareykanka

Axmed Madoobe ayaa xiriirka uu la leeyahay Farmajao xumaa saddexdii sano ee ugu dambeeyay.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo la kulmay Safiirka Mareykanka

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa saakay la kulmay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

Waxay kawada hadleen khilaafka doorashadda iyo sidii Axmed Madoobe uu sameyn lahaa tanaasul ku aadan arinta Gedo oo uu horey u dalbaday in laga soo saaro Ciidanka uu Farmaajo u diray 2020 iyo in lagu wareejiyo maamulka doorashadda Garbahaarey.

"Waxaan kawada hadalnay aniga iyo Safiirka Mareykanka arrimaha doorashadda iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan iyo sidoo kale abaaraha gobolka Gedo," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo ah xudunta khilaafka dalka ka taagan ayaa tan iyo markii Muqdisho soo saarey maalin kahor kula kulmayay xarunta uu ka degan yahay Xalane Mushariixiin ay ku jiraan Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre iyo CC Warsame.

Muqdisho waxaa la filayaa inay martigeliso shir ay Beesha Caalamka soo qaban-qaabisay oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Madaxda Maamullada, kaasoo lagu qaban doono xarunta Afisyooni, oo Feb 8 sanadkii 2017 lagu doortay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Waxaa la sugayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo aan Muqdisho wali soo gaarin. Lama shaacin xiliga uu furmayo kulanka lawada sugayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.