Axmed Daaci “Askari degmada ka tirsan ayaa bam tuuray”

Muqdisho (keydmedia) Gudoomiyaha degmada Wadajir ee gobalka Banaadir Axmed Xasan Cadow Daaci ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidanka Degmada Bam uu ku dilay dad rayid ah iyo askar dowlada ka tirsan.
Warar Keydmedia Online

“Bam-kii shalay ku qarxay Suuqa weyn waxa uu ka fakaday askari ciidamada ka tirsan oo dhintay, waxaana taasi ku ogaanay baaritaan aan sameynay, waxna kama jiraan wararka warbaahinta ay tabisay ee sheegayay in Bamka gaari laga dhex tuuray” sidaa waxaa yiri Axmed Daaci.

Hadalka ka soo baxay Axmed Daaci ayaa imaanaya xili shalay uu soo ifbaxay war sheegaya in Bam laga dhex tuuray gaari PL ah uu dilay dad kuwa kalana uu dhaawacay.

Amni darada ayaa mudadanba ku sii fideysay degmooyinka ay dowlada ka taliso tiyoo dowlada ay ku doodeyso in isbadal ay dhalin doonto dhawaan.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.