Axmed Daaci “Dagaalka Muqdisho waa ganacsi”

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Gudoomiyaha degmada wadajir ee maamulka dowlada Axmed Xasan Cadaw Daaci ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ka socda magaalada Muqdisho ee ay ku lug leeyihiin Dowlada, Amisom iyo Shabaab uu yahay mid u muuqaal eg nidaam ganacsi
Warar Keydmedia Online

“Dagaalka Muqdisho kama duwana ganacsi, dowlada ma dooneyso in ay talaabo qaado, Amisomna waa sidoo kale, waxaad arkeysaa Taangi  weyn oo lala hortaagan yahay qori AK 47 ah oo aan hore u dhaqaaqeyn” sidaa waxaa yiri Axmed Daaci oo la hadlay warbaahinta.

Axmed Daaci ayaa ku biiraya xubno ka tirsan dowlada oo kol hore si weyn u dhaliilay qaab dhaqanka dowlada ee dhinaca dagaalka lagula jiro kooxaha dowlada ka soo horjeeda, waxaana xiliya hore mas’uuliyiin ka tirsan dowlada lagu dhaliilay in ay gargaar siiyaan xoogaga mucaaradka gaar ahana shabaab.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.