Axmed Diiriye oo dhaliilay Hey’adaha Samafalka

Muqdisho (keydmedia) Axmed Diiriye Cali oo ah afhayeenka odayaasha Hawiye ayaa si kulul u dhaliilay hey’adaha Samafalka waxaana uu sheegay in arimo aan jirin ay ku andacoodaan.
Warar Keydmedia Online

“ Waxa ay ku marmarsiyoodaan deegaanada shabaabka ay joogaan kaalmo lama geyn karo, laakiin waxaa is weydiin mudan deegaanada kale ee dadka baahida ugu dhimayaan oo aanay shabaabku joogin sababta ay gar gaar u gaarsiin la’yihiin” sidaa waxaa yiri Axmed Diiriye oo tusaale u soo qaatay abaaraha ka jira mudug, Galguduud iyo dhibaatooyinka dadka barakacay ku heysta deegaanada ay dowlada ka taliso.

Waxa uu ugu baaqay horjoogayaasha soomaalida iyo kuwa jaanibta ah ee hey’adaha samafalka sheegta in ay u damqadaan shacabka dulman ee Soomaaliyeed ayna ku dadaadaal wada walba oo shacabka kaalmo aadaminimo lagu gaarsiin karo.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.