Axmed Diiriye oo difaacay nin Bam tuuris ku eedeesnaa

Muqdisho(keydmedia) Afhayeenka odayaasha hawiye Axmed Diiriye Cali oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday maxkamadda Milatariga dowladda KMG ah in ay dib u eegto xukun maxkamadeed ay ku riday nin ku eedeysanaa tuuris Bam oo laga qabtay degmada Xamarweyne.
Warar Keydmedia Online

“ Waxaan ka codsaneynaa maxkamadda ciidamada milatariga in ay si hoose u eegto kiiska wiilkaasi oo ah mid dhimirka loogu jiro sida ay ii sheegeen waalidkiis oo aan qaraabo hoose nahay” sidaa waxaa yiri Axmed Diiriye Cali.

Ninkan uu difaacay Axmed Diiriya ayaa waxa laga qabtay degmada Xamarweyne, waxaana iminka xukunkiisa riday maxkamadda Milatariga, balse Diiriye ayaa dalbaday in kiiskaasi si hoose loo eego.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.