Axmed Diiriye oo weeraray Maamulka Faroole

MUQDISHO (KEYDMEDIA) Afhayeenka odayaasha beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa si kulul u dhaliilay hadal ka soo yeeray maamulka C/raxmaan Faroole kaasoo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka tirsan dowlada KMG looga mamnuucay deegaanada Bari iyo Nugaal.
Warar Keydmedia Online

Diiriye ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid aanu caqliga saliimka ah qaadan Karin waxaana uu sheegay in talabaasi ay tahay doqannimo uu ku kacay maamulka Faroole isagoona ka dalbaday raali galin deg deg ah inuu ka bixiyo falkaasi.

Mudadanba waxaa aad isu soo tarayay go’aanada qarawga ku saleysan ee ka soo baxayay maamulka C/raxmaan Faroole waxaana arinkan uu fajac galiyay aqoonyahanada Soomaaliyeed ee dareenka wadaniyadeed leh.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa liiska hore ka galay Soomaalida ka dhiidhiday go’aanka guracan ee maamulka Faroole.

Www.keydmedia.net

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.