Axmed Diiriye: WFP shabaab iyada ayaa ka dhibaata badan

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa si kulul u dhaliilay Hey’adda WFP ee qaramada midoway arimaha cuntada u qaabilsan
Warar Keydmedia Online

“ WFP alshabaab waa ka darantahay  mana rabto in ay taageerto dadka abaaruhu ay dhibaateeyeen, waxaana loo baahanyahay WFP in ay dadka kaalmeyso ama Dalkeena ay nooga baxdo” sidaa waxaa yiri Axmed Diiriye oo cara ay ka muuqatay lana hadlay warbaahinta Muqdisho.

Diiriye ayaa hadalkiisa sii raacayay habaar kulul oo uu dusha uga tuuray WFP waxaana uu yiri “Haddii aanay gargaarin dadka dhibaateysan WFP meel walba oo ay aduunka ka joogto balaayo ha ugu daba tagto oo musiibo aan la aqoon ha ku dhacdo”.

Dhanka kale waxa uu ku canaantay dowlada KMG ah in ay bixiso raashinka jaamacada carabta  ay ugu deeqday ee ku keedsan dekadda magaalada Muqdisho, si dadka ay u helaan nolal maadaama baahi badana ay qabaan iminka.

Hadalka ka soo baxay Axmed Diiriye ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili dadku ay abaaro u dhimanayaan dowlada iyo hey’adahana ay sheeda ka daawanayaan.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.