Axmed Diiriye ” Xasan Daahir ha towbad keeno”

Afhayeenka odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo warbaahinta la hadlayay ayaa ugu baaqay hogaanka Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys inuu towbad keeno isla markaana alle uu danbi dhaaf weydiisto.
Warar Keydmedia Online

Hadalka Mr Diiriye ayaa yimid kadib markii shalay Xasan Daahir uu ku baaqay in la sii wado Dagaalada ka socda gayiga Soomaaliya isla markaana ay waajib ku tahay cid walba ka qeybgalka dagaalka.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in xiligan adag loo baahan yahay bulshada in la badbaadiyo oo dhibaatada laga sama bixiyo balse aan loo baahneyn dagaal iyo hardan hor leh in la sii horseedo.

Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.