Axmed Madoobe iyo Dhaqdhaqaaqa Jubooyinka

Wararka naga soo gaaraya degaanka dhoobley ee xadka dhinaca Soomaaliya ayaa sheegay in maalmo dhoweyd ay kulamo wada tashi ah yeesheen Saraakiil ka trisan Wasaarada difaaca dalka Kenya iyo xubno ka wakiil ah Hogaamiye-kooxeed-dimeed Axmed Madoobe oo maleeshiyaad ku heysta xadka, waxaana looga dooday sidii wada shaqeyn dhanka abaabulka dagaal ee degaanka looga qaadi lahaa.
Warar Keydmedia Online

Xogtaan ayaa tilmamatay in kulankaasi looga dooday sidii abaabul loo sameyn lahaa isla markaasnadagaalo qorsheysan loogu qaadi lahaa Maleeshiyaadka Shababka ee degaanka Jubooyinka gacanta ugu jirta, waxaa sidoo kale la sheegay in kulankaasi ay ka soo qeyb galeen Saraakiil ka trisan Dowlada KMg ah kuwaasoo xarun ku leh degaanka amuume.

Xiliyadii ugu dambeeyay ayaa la sheegay in xiisado xoogan ay u dhaxeeyeen Saraakiisha Ciidamada Dowlada ku magacaab aadkna u taageeraan Odayaasha Dhaqanka ee beelaha degaanka qaarkood oo maleehsiyaadkaasi u badan, xiisadaan ayaa la sheegy iney salka ku heyso saamiga maamulka laga dhsi doono Gobolka hadiiba laga saaro Maleeshiyaadka Shababka, kulamo lagu dhameynaayo khilaafkaasi ayaa ku dhaamadya fashil.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu dhowaan socdaal qarsoodi ah ku yimid deegaanka Diif ee dhaca xadka dhinaca Kenya ay la wadaagto Somaliya, waxaana markii halkaasi uu tagay uu isugu yeeray dhalinyaro beeleed iyo kuwo laga soo saaray xeryaha qoxootiga oo loogu loo balanqaaday iney dhaqaale darjooyin hadii ay kala qeyb qaataan dagaalada qorsheysan.

Axmed Madoobe ayaa bishii tagtay safar qarsoodi ah ku tagay magalaada Doolow-ado ee dalka Ethiopia, wuxuuna halkaasi kula kulmay Saraakiisha Xukuumada Kilinka iyo kuwa Dowalda Federaalka Ethiopia iyadoona uu ku guuleystay inuu ku qanciyo in la maalgeliyo mashruuciisa ka dhanka ah Jubbooyinka in ay taageeraan, waxaana ay taasi keentay in dawladaha Kenya iyo Itoobiya ay ka wadahadleen, la iskuna afgartay in Kenya looga danbeeyo mashruucaasi maadaama Jubbooyinka ay xuduud la wadaagto.


Source: Wadanka

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.