Baarlamaanka oo ansixiyay Miisaaniyadda 2023

Golayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wada-jir ah yeeshay ayaa ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka.

Warar Keydmedia Online
Baarlamaanka oo ansixiyay Miisaaniyadda 2023

MUQDISHO, Soomaaliya – Golayaasha Baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa maanta Kalfadhiga labaad kulankiisa 4-aad ee wadajirka ah ku ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2023 kadib kulan uu shir guddoominayay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen guddoonka labada aqal iyo ku-xigeennadooda ayuu ajandahu ahaa akhrinta sedexaad iyo ansixinta miisaaniyadda sanadka foodda nagu soo haya ee 2023-ka. Wadarta guud ee Miisaaniyadda sanadkan ayaana gaartay $973,985,805.

Sida ku cad  Miisaaniyadda, xarumaha danta guud sida xarumaha caafimaadka Dowladda, waxbarashada iyo hay’adaha amniga ee dalka ayaa miisaaniyadda loo kordhiyay, 172 Xildhibaan ayaana cod gacan taag ah ku ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2023.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xildhibaannadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda sanadka 2023-ka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in miisaaniyadda sanadkan ay ansax tahay isagoo guddoonka iyo xildhibaannada labada aqal iyo guddiyadda maaliyadda ee Baarlamaanka uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda sanadka dhawaan dhalan doona.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.