Baarlamanka Hirshabeelle oo ansixiyay Miisaaniyadda 2021

Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2021

Warar Keydmedia Online
Baarlamanka Hirshabeelle oo ansixiyay Miisaaniyadda 2021

JOWHAR, Soomaaliya - Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle ayaa yeeshay Kalfadhigii 1-aad ee kulankiisa 12-aad oo uu shir gudoominayey Guddoomiyaha Cabdixakim Luqmaan Xaaji, iyadoo fadhiga lagu qabtay Jowhar.

Ajendaha Kulankaan ayaa ahaa Ansixinta Miisaaniyada Sanadka 2021 ee Hirshabeelle. Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Yusuf Macalin Xasan Jeelle ayaa Xildhibaanada kahor akhriyey Miisaaniyadda.

Gudoomiyaha ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay go'aan ka gaaran Miisaaniyadda maadaama Sanadka 2020 uu siii dhammaanayo loona baahan yahay in Miisaaniyadda sanadka 2021 go'aan laga gaaro, si aysan ukala go'in howlaha ay Hay’adaha kala duwan u hayaan Shacabka.

Baarlamanka Hirshabeelle ayaa Cod gacan taag ah ku meel mariyay Miisaaniyada cusub, waxaana natiijada codeynta ahayd, 71 Mudane ayaa ogolaaday, 2 Mudane ayaa diiday, halka 1 Mudane uu ka aamusay.

Hirshabeelle oo la aas-aasay dhamaadkii 2016, ayaa la degay khilaafyo siyaasadeed iyo kala qeybanaan qabaa'ilka wada dhistay, iyadoo taaso keentay inuu Maamulkan noqdo midka ugu liita dhinac walba Maamullada kale.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.