Bajaajlayaasha Garoowe oo dhigay dibadbax ka dhan ah maamulka Deni

Darawalada Mootooyinka bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Garoowe, ayaa manata dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan, awaamiir ka soo baxday Maamulka Puntland.
 

Warar Keydmedia Online
Bajaajlayaasha Garoowe oo dhigay dibadbax ka dhan ah maamulka Deni

MUQDISHO, Soomaaliya - Wadayaasha mootooyinka loo yaqaano bajaajta, ee ka howl-galla magaalada Garoowe, ayaa maanta dhigay banaanbax ay kaga soo horjeedaan, awaamiir ka soo baxday maamulka Puntland, taas oo mootooyinka loogu diiday in ay isticmaalaan wadooyinka magaalada qaarkood.

Darawalada ayaa sheegay in wadooyinka loo diiday ay yihiin, kuwa muhiim ah oo aan laga maarmi karin isticmaalkooda, waxeyna ku baaqeen 3-maalin oo shaqo joojin ah.

Maamulka Deni ayey ku eeddeeyeen cunno qabateyn uu ku hayo dhalinyarada, isagoo aan wax shaqo abuur ah u sameyinin mudaddii uu kursiga ku fadhiyey.

Banaanbaxa maanta ka dhacay Garoowe ayaa saameeyey, isu socodaka dadka iyo gaadiidka, waxaana ilaa waqtigan xiran xarumaha ganacsiga magaalada, sababo la xiriira dibadbaxa oo aan weli joogsan.

Rajo badan lagama qabo in Saciid Deni uu qanciyo dhalinyaradaasi cabaneysa, maaddaama uu yahay shakhsiga soo saaray amarka looga hor istaagay isticmaalki wadooyinkii muhiimka u ahaa, dadka iyo gaadiidkaba.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.