Baki-moon “Somaliya waxay u baahantahay gar gaar wajiya badan”

Muqdisho(Keydmedia) Xogahaya guud ee Qarmada Midooway Mr Banki-moon ayaa daboolka ka qaaday Soomaaliya xiligan in ay u baahantahay gar gaar deg deg ah oo noocyo badan leh.
Warar Keydmedia Online

Waxa uu sheegay Mr Ban in waxayaabaha ugu weyn ee ay xiligan Soomaaliya u baahantahay in ay ka mid yihiin tayeenta ciidamada iyo waliba taageerada dowladda uu hogaamiyo Shariif Shiikh Axmed.

Mr Ban oo ka hadlayay kulan ku saabsanaa xaalada Soomaaliya oo ay qaramad midoway laheyd ayaa in badan waxa uu ku hakaday qodobka la xiriira tayeenta ciidamada waxaana uu carrabka ku adeeyay in ay waajibtahay wax ka qabashada arimaha ciidanka.

Inkastoo beesha caalamka oo ay Qarmada midooway ugu horeyso ay u olaoleyneyso wax u qabashada ciidamada ayaa hadana dhanka kale waxaa xusid mudan dowladda aanu u dagsaneyn istaraatiijiyad toosan oo lagu daryeelayo ciidanka,.

www.keydmedia.net

 

 

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.