Baladweyne: Dadkii ka cararay fatahaadaha oo dib u soo laabanaya

Wararka Keydmedia.net ay heleyso Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan...
Warar Keydmedia Online

...ayaa sheegaya in dadkii cararay fatahaadii dhawaan uu ka sameeyay wabiga shabelle deegaanadaasi iminka ay bilaabeen dib in ay u soo laabtaan.

Soo laabashada dadka ayaa timid kadib markii uu hakaday wabiga isla markaana uu joojiyay fatahaada, waxaana warbixinada ay sheegayaan in dadkaasi mudadii ay guryahooda ka maqnaayeen dhibaatooyin badan ay la kulmeen.

 

Dadka hada bilaabay in ay soo laabtaan oo u badan caruur iyo Haween ayaa laga dareemaya diifti ay ka dhaxleen barakaca waxaana dadkaasi qaarkood barakac ahaan ugu sugnaayeen tuulooyin ka agdhaw Baladweyne halka kuwa kalana uu firxadkooda soo gaaray Gobalka Shabeelada Dhexe.

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.