Baladweyne iyo isbadal hor leh

Wararka ay keydmedia.net ka heleyso Magaalada Baladweyn ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in saakay halkaasi laga dareemayo is badal dhanka maamulka la xiriira.
Warar Keydmedia Online

Isbadalkani ayaa yimid kadib markii Ciidamadii Xisbiga oo ku sugnaa qeyb ka mid ah Baladweyne ay magaalada Faarujiyeen isla markaana guud ahaan gacan ku heynta Magaalada ay ku wareegtay Dhaqdhaqaaqa Shabaab oo xiligii hore qeyb ugu sugnaa Magaalada.

Madaxii arimaha Bulshada Maamulka Xisbiga ee gobalka Hiiraan Shikh Ibraahim ayaa saxaafada u xaqiijiyay in ay isaga baxeen Magaalada laakiin waxa uu ka gaabsaday faahfaahin dheeraad ah inuu ka bixiyo sababta keentay in ay magaalada ka baxaan.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray dareen war oo tilmaamaya in labada dhan xisbiga iyo shabab oo ku wadan sugan Hiiraan ay doonayaan in ay isku biiraan isla markaana Magaca Shabaab ay wada qaataan .

Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.