Baled xaawo oo isbadal maamul ka dhacay

Muqdisho(Keydmedia) Waxaa gabi ahaanba maanta isaga baxay degmada baled xaawo ee gobalka Gedo ciidamadii dowlada iyo ahlu-suna ee dhawaantan ku sugnaa deegaanadaasi
Warar Keydmedia Online

Ciidamada mataanaha ah ee uu hogaaminayay Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa waxay u ruqaansadeen dhanka degmada doolow ee isla gobalkaasi iyadoona aan si dhab ah loo ogeyn sababta ka danbeysa ciidamada in ay isaga baxaan degmada.

Kadib markii ay ciidamadii ahlu-suna iyo kuwa dowladda ka baxeen halkaasi ayaa waxaa dib ugu soo laabtay maamulkii hore ii ka amar qaadan jiray xoogaga dowladda ka soo horjeeda.

Ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay degmadaasi ay labada kooxood ku kala wareegeen, waxaana dhanka kale xusid mudan in dhibaato dhimasho iyo dhaawac ay la kulmeen shacabkii ku noolaa degmadaasi ee lagu dul dagaalmay mana jirto cid dhabarka u ridatay mas’uuliyadda dhibaatada gaartay shacabka.

WWW.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.