Bam lagu weeraray ciidamada Faroole iyo faahfaahin ka soo baxeysa

Boosaaso: (keydmedia.net) waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxaysaa weerar xalay kooxo hubaysan ay ku qaadeen Xarun ciidama Maamulka goboleedka Faroole ay ku lahaayeen magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.
Warar Keydmedia Online

Kadib markii xalay kooxo hubaysan ay bambaanooyin ku weerareen fariisimo ciidamo ka tirsan Maamul goboleedka Faroole ay ku lahaayeen gudaha magaalada Boosaaso aya waxaa lagu soo waramayaa in qasaaro dhaawacyo oo kasoo gaaray halkasi labo qof oo rayid ah kuwaasi oo ku dhaawacmay qaraxa ka dib rasaas ay fureen ciidamada weerarka lagu qaaday.

Wararka ayaa sidoo kale waxaa  sheegayaan in xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi ay ciidamada Maamul goboleedka Barri ay ka wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii xalay bambaanooyinka ku weerary.

Goobihii ganacsi ee magaalada Boosaaso ayaa lagu soo waramayaa in qaarkood uu hakad ku jiro maadaama sida la sheegay ciidamada Maamul goboleedka uu ka taliyo Faroole ay howlgalo xoogan saakay ka wadaan gudah magaaladaasi.

Source: mareeg.com

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.