Banaanbax ka dhacay Baydhabo

Banaan baxaan oo ahaa mid nabad ah ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed. 

Warar Keydmedia Online
Banaanbax ka dhacay Baydhabo

MUQDISHO, Soomaaliya - Banaan bax looga soo hor heedo falkii lagula kacay carruur yar yar oo dhawaan lagu fara xumeeyay magaalada Baydhabo ayaa maanta ka dhacay, isla magaalada, kaasoo ay dhigayeen dadweyne ka xun arintaan.

Masuuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed ayaa banaan baxaan ka soo qeyb galay, waxaana la arkayay ardayda iskuulada, Haween, carruur iyo duqow wato booraar ay ku hardhanyihiin hal ku dhigyo looga soo horjeedo falkii foosha xumaa ee dhawaan magalada ka dhacay.

Sidoo kale mudaaharaadkaan nabadd ah ayaa lagu taageeray, laguna soo dhaweeyay qisaastii shalay lagu fuliyay labadii ruux ee ka dambeeyay kufsigii loo geystay wiil 10 jir ah bilooyin ka hor.

Horaantiit todobaadkaan ayay aheyd markii labo carruur ah xaafad ku taallo magaalada Baydho lagu fara xumeeyay, kadibna midkood u geeriyooday, waxaana arintaas aad uga carooday Bulshada ku nool deegaanka iyo gayiga Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.