Banaan bax lagu taageerayo RW Rooble oo Gaalkacyo ka dhacay

Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa ka dhacay banaan bax lagu taageerayo Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Eng Maxamed Xuseen Rooble. 

Warar Keydmedia Online
Banaan bax lagu taageerayo RW Rooble oo Gaalkacyo ka dhacay

MUQDISHO, Soomaaliya - Banaanbax lagu taageerayay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay Eng Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka dhacay degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca maamulka Galmudug.

Dadweyna wato boorar lagu hardhay magaca iyo sawiraanta Ra'iisul Wasaaraha cusub ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada, iyagoona koox koox ugu luqeynayay hal ku dhigyo lagu taageerayo Ra'iisul Wasaaraha.

Banaan baxaan oo uu soo abaabulay maamulka degmada Gaalkacyo ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo bulshada shanta xaafadood ee magaalada oo isugu jiro Haween, Carruur, dhalinyaro iyo Odayaasha dhaqanka deegaanka.

Maamulka ayaa sheegay in mudaa haraadkaan uu yahay mid nabad ah oo lagu soo dhaweynayo, laguna taageerayo Raiisul Wasaaraha cusub, waxaa uuna bulshada degmada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in Ra'iisul shaqada cusub lagu garab istaago.

Gaalkacyo ayaa noqotay magaaladii ugu horeysay ee lagu qabto isu soo bax lagu taageerayo Ra'iisul Wasaaraha cusub ee aan weli helin codka kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.