Banaanbax ka billowday Muqdisho

Boqolaal qof oo caraysan ayaa isagu soo baxay saakay wadooyinka waaweyn ee Caasimadda, si ay u muujiyeen dareenkooda iyo sida ay uga xun yihiin Kufsi-wadareedkii iyo dilkii loo geystay Gabar sanadkan Dugsiga Sare ka baxday.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Muqdisho ka socda dibadbax ay dhigayaan dad ka caraysan kufsigii iyo dilkii loogu geystay magaaladda gabar yar habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay.

Wadada Makka Al-Mukarama ayay socod ku mareen ddibadbaxayaasha, oo u badan dhalinyaro iyo haween, waxayna dab qabad siiyeen dhowr guri oo la sheegay inay deganaayeen raggi kufsadey, kadibna dilay Xamdi Maxamed, oo 19 jir ahayd.

Dab ayaa la qabad-siiyay dabaqii gabadha lagu kufsaday kadibna laga soo tuurey oo ku yaalla degmadda Waaberi.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.