Banaanbax ka dhan ah Farmaajo oo wali ka socda Beledweyne

Xaaladda magaaladda ayaa kacsan, iyadoo waodoyinka lasoo dhigay Ciidamo hubeysan, oo hakiyay isku socodka gaadiidka meelaha qaar.

Warar Keydmedia Online
Banaanbax ka dhan ah Farmaajo oo wali ka socda Beledweyne

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Boqolaal qof oo rag iyo dumar isagu jira ayaa Maanta oo Khamiis ah isagu soo baxay wadooyinka magaaladda Beledweyne, ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Dadkan ayaa kasoo horjeeda Maamulka uu Farmaajo dusha uga keenay, ee aan rabitaankooda ku imaan ee Hirshabeelle, iyagoo dhanka kale dalbanayan in xabsiyadda laga soo daayo in ka badan 30 qof oo Ciidamada DF iyo AMISOM si sharci darro ah ku xireen maalmo kahor.

Kacdoonka lagu diidan yahay Maamulka Farmaajo ayaa kusii xoogeysanaya gobollada qaar ee dalka, oo Banaadir iyo Hiiraan ay ugu horeeyaan, waxaana Ciidamada ay dadka ku furayaan rasaas, iyagoo adeegsanaya awood xad-dhaaf ah, oo sharciga iyo waajibaadkooda ka baxsan.

Magaaladda Muqdisho waxaa bishan ka dhacay dhowr dibadbax oo Farmaajo looga soo horjeeda iyo damaciisa inuu doorashadda musuq-maasuqa, iyadoo Musharixiinta ay sheegeen inay ka qyebgali doonaan banaanbaxyada soo socda.

Farmaajo ayaa ku jira maalmihii ugu dambeeyay xukunkiisa sida aadka loo nacay, ee ku dhisan kaligii-talisnimada iyo caburinta, kaasoo ah midkii Siyaad Barre oo horey dalka ugu jabay, sababayna dagaalkiisa Sokeeye.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.