Banaanbax Kiiska Ikraan la xiriira oo ka dhacay Gaalkacyo

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa u balan-qaadey qoyska Ikraan inay Gabadhooda Cadaalad heli doonto, isagoo gudi u xil-saarey baaritaanka.

Warar Keydmedia Online
Banaanbax Kiiska Ikraan la xiriira oo ka dhacay Gaalkacyo

GAALKACYO, Soomaaliya - Boqolaal qof oo rag iyo dumar isagu jira ayaa Maanta Banaanbax ka dhigay Koonfurta magaaladda Gaalkacyo, qeybta Galmudug ay maamusho.

Dibadbaxa ayaa taageero loogu muujinayay dedaallada uu wado Rooble ee cadaaladda loogu raadinayo Ikraan Tahliil, oo lagu dhex dilay hay'addii ay katirsanayd ee NISA.

Dadka isagu soo baxay wadooyinika ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay kamid yihiin "Cadaalad ka hesho Ikraan", waxayna ku baaqeen in Maxkamad laso taago kuwa falka dilka ka dambeeyay.

Waxay banaanbaxayaasha wax laga xumaado, oo aan la aqbali karin ku tilmaameen inay cadaaladda ka baxsadaan Fahad Yaasiin, Kulane Jiis iyo Yaasiin Fareey oo kiiskan u eedeysan.

Banaanbaxa Gaalkacyo ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo ka dhaca meel ka baxsan Muqdisho, waxuuna muujinaya in Kiiska Ikraan uu taabtay qof kast, meel kastoo ku sugan yahay.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa u balan-qaadey qoyska Ikraan inay Gabadhooda Cadaalad heli doonto, isagoo gudi u xil-saarey baaritaanka kiiskeeda, oo noqday mid heer qaranka ah.

Ikraan oo u shaqeynaysa NISA tan iyo 2017 ayaa la waayay 26-kii June 2021, kadib markii la afduubey, iyadoo mudo kadib Nabad Sugida sheegtay in Al-Shabaab ay dishay Gabadha.

Al-Shabaab ayaa beenisay eedeynta, waxayna iska fogeysay inay wax lug ah ku leedahay kiiskan xasaasiga ah, oo hadda ku biyo shubtay Fahad Yaasiin iyo kuwa ku xeeran.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.