Bangiga Adduunka: Korar ku yimid dhaqaalaha Soomaaliya

Warbxinta sanadlaha ah Bangiga Adduunka ee la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in abaaraha ba’an ee Dalka ka jira ay dhaqaalaha samayn xooggan ku yeesheen, iyada oo Abaarta ka jirta guud ahaan dalka ay ku barakaceyn in ka badan Hal milyan oo qof.

Warar Keydmedia Online
Bangiga Adduunka: Korar ku yimid dhaqaalaha Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka kaas oo lagu soo bandhigay Warbxinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diyaariyay, taasi oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay boqolkiiba 2.9 sanadkii 2021 marka loo eego sanadkii ka horreyay ee 2020, taasoo ah tallaabo muhiim ah.

“Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo caalami ah. Waxaa naga go'an in aan xoojino hannaanka dib-u-habaynta Maaliyadda”. Ayuu yiri wasiir Cilmi Maxamuud Nuur.

Wakiilla Bangiga ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa sidoo kale hadal ka jeedisay shirkaan iyadoo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay horumar ka samasay dhanka dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay horumar ka sameysay dhanka dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka,” ayey tiri Kristina Svensson oo ah Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

Warbxinta Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ee la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in dhaqaalaha Soomaaliya uu horumar iyo korar uu sameeyay sanadkii hore, iyada oo ay jiraan caqabado dhowr ah oo abaaruhu qeyb ka yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.