Bangiga Dhexe oo beeniyay eedeynta loo jeediyay Bangiyadda

Guddiga khubaradda ee Gollaha Amniga ayaa diyaariyay Warbixinta oo uu daabacay maalmo kahor Wargeyska New York Times, oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Warar Keydmedia Online
Bangiga Dhexe oo beeniyay eedeynta loo jeediyay Bangiyadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saarey war qoraal ah oo uu ku beeniyay warbixintii gudiga khubaradda Gollaha Amaanka ee ku eedeysay qaar kamida bangiyadda dalka inay akoonno u fureen Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ayaa lagu sheegay inaysan jirin wax cunaqabateyn ah ama culeys dhaqaale oo lagu soo rogi doono bangiyadda dalka kadib warbixintaas, oo Bangiga Dhexe ku tilmaamay war "been abuur" ah, oo sal iyo raad-toonna lahayn.

Dhanka kale, mid kamid ah bangiyadda la eedeeyay ayaa ka jawaabaya warbixinta, iyadoo uu sheegay inuusan waligiis u furin koonto shaqsi ama hay'ad cunaqabateyn saarantahay, iyo inuu qaaday talaabooyin aan la cayimin oo ka dhan ah xisaabaadka shakiga leh.

Xaaladda amni ee dalka iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan shirkadda ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa ku qasabi kara inay u hogaansamaan amaradda Al-Shabaab, si ay u badbaadsadaan hantidooda iyo nolosha shaqaalahooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.