Shacabka Koonfur Galbeed oo diiday taliska Laftagareen

Dec 19, 2018 doorasho boob ah oo dhiig ku daatay ayay ciidamada Itoobiya Laftagareen ugu caleemo saareen inuu yahay Madaxweynaha Koofur galbeed, waqtigiisii hadda waa dhamaaday, waxaana indhaha lagu hayaa go’aamka ay ka qaadan doonto Dowladda dhexe. 

Warar Keydmedia Online
Shacabka Koonfur Galbeed oo diiday taliska Laftagareen

MUQDISHO, Soomaaliya – Bannaanbax looga soo hor jeedo in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Koofur galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu maamulkaas ku matalo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta ka socda magaalada Muqdisho.

Bannaan-baxayaasha oo u badan dhallinyaro ayaa isku soo baxay agagaarka KM4, waxayna si weyn u muujiyeen dareenkooda ku aaddan in aan  la aqbali karin in Laftagareen oo aan wax sharciyad ah heysan uu qeyb ka noqdo shir looga hadlayo masiirka guud ee dalka.

Sidoo kale mudaharaadayaashu waxa ay Madaxweyne Xasan Sheekh ka codsadeen in Laftagareen laga hor istaago inuu dib ugu laabto magaalada Baydhabo, maadaama uu dhawaan halkaas ku laayay qaar ka mid ah ilaalada musharrax Farkeeti.

Dec 19, 2018 doorasho boob ah oo dhiig ku daatay ayay ciidamada Itoobiya Laftagareen ugu caleemo saareen inuu yahay Madaxweynaha Koofur galbeed, waqtigiisii hadda waa dhamaaday, waxaana indhaha lagu hayaa go’aamka ay ka qaadan doonto Dowladda dhexe. 

Dhanka kale, Kala firxad iyo shaqo ka tagis, eedo warbaahinta la isku marsiiyo iyo guux siyaasadeed oo xooggan ayaa ka dhex billowday Golaha Wasiirrada maamulka Koofur galbeed kadib dagaalkii jimcihii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Dhawaab Wasiirka Warfaafinta KGS Ilyaas Cali Nuur ayaa ku dhawaaqay in uu isaga tagay shaqadii uu u hayay maamulka waqtigu ka dhamaaday ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen, wuxuuna is casilaaddiisa u aaneeyay xiisadda ka aloosan Baydhabo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.