Bannaan-baxyo maanta gilgilay gobollada Somaliland

Xukuumadda Soomaaliland ayaa shirkadaha bixiya adeegyada is-gaarsiinta ku amrtay in ay jaraan Internet-ka, si uu u yaraado baahinta wararka bannaan-baxa, hayeeshee, muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya ciidanka oo suntan dadka ilmeysiisa u adeegsanaya shacabka.

Warar Keydmedia Online
Bannaan-baxyo maanta gilgilay gobollada Somaliland

HARGEYSA, Soomaaliya – Bannaan-baxyo xooggan oo saaka barqadii soo billowday oo ay hor kacayaan hoggaanka xisbiyada Mucaaradka ayaa wali gilgilaya guud ahaa lixda gobol doorasho ee Soomaaliland, xilli goobaha qaar laga soo warinayo rabshado xooggan.

Musharraxa iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdullaahi [Cirro] iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan oo horkacaya kumaan ruux oo ka mid ah teegeerayaasha Waddani ayaa socod ku maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa dhankiisa fagaarooyin waaweyn kula mudaharaaday taageerayaasha xisbigiisa, waxaana goobaha bannaan-baxyadu ka dheceen qaarkood laga soo warinayaa in rabshado khasaare sababay ka dhaceen.

Dad shacab ah oo aan tiradooda la xaqiijin ayay dhaawacyo soo gaareen magaalada Hargeysa, halka gobollada qaar la sheegayo in isku dhacyo dhex maray booliska iyo bannaan-baxayaasha ay sababeen dhimasho dad shacabka oo aan badneyd.

Xukuumadda Soomaaliland ayaa shirkadaha bixiya adeegyada is-gaarsiinta ku amrtay in ay jaraan Internet-ka, si uu u yaraado baahinta wararka bannaan-baxa, hayeeshee, muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya ciidanka oo suntan dadka ilmeysiisa u adeegsanaya shacabka.

Mudaharaad-yadaan ayaa salka ku haya muran ka dhashay doorashooyinka. Hogaamiyaha talada haya Muuse Biixi oo horay uga tirsanaan jiray ciidamada cirka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inuu qorsheynayo muddo kororsi, xilli waqtigiisu ku egyahay bisha November.

Somaliland 30 sano ka hor ayay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya, hayeeshee, wali ma aysan helin wax aqoonsi ah, hadda waxa ay wajaheysaa qalalaase siyaasadeed iyo dhaqaale la’aan xilli la joogo xilligii doorashada, Biixi ayaana ku fashilmay inuu xal keeno.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.