Bannaan-baxyo saaka ka billaabanaya Somaliland

Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu Muuse Biixi ku eedeeyay inuu soo xiray albaabkii doorashooyinka & dimuqraadiyadda, isagoo tilmaamay in Muuse uu doonayo inuu Soomaaliland u xukumo sida uu jecel yahay ee uu kursiga ku sii haysan karo.

Warar Keydmedia Online
Bannaan-baxyo saaka ka billaabanaya Somaliland

Hargaysa, Soomaaliya – Bannaan-baxyo ay dhigayaan Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI, ayaa la filayaa in ay saacadaha soo aaddan ka billowdaan guud ahaan lixda gobol doorasho ee Somaliland, inkastoo mucaaradka iyo Xukuumaddu aysan isku raacin fagaarayaasha ay bannaan-baxyadu ka dhacayaan.

Wadahadallo labadii maalin ee la soo dhaafay u socday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo wakiil ka ahaa xisbiyada mucaaradka ayaan is fahan buuxa laga gaarin, waxuuna soo idlaaday iyadoo aan lagu heshiin qodobbadii muhiimka ahaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Boolisku waxa ay sheegeen in bannaan-baxyada oo salka ku haya muran ka dhashay doorashooyinka sanadkaan oo aan wali xal loo helin ay ka dhici doonaan loona cayimay lix goobood, isla-markaana aan la ogollaan doonin mudaharaada-yaasha in ay soo dhaafaan goobahaas oo kala ah;

1 Gobolka Awdal, Xarunta dhexe ee Xisbiga Waddani, 2 Gobolka Marooodi-jeex, Xarunta dhexe ee Xisbiga Waddani, 3. Gobolka Saaxil, Xarunta dhexe ee Xisbiga UCID, 4. Gobolka Togoheer, Xarunta dhexe ee Xisbiga UCID, 5. Gobolka Sool, Xarunta dhexe ee Xisbiga Waddani, 6. Gobolka Sanaag, Xarunta dhexe ee Xisbiga Waddani.

Hayeeshee, mucaaradku waxa ay ku gacan seyreyn goobahaas, Musharraxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in dhammaan taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee ku sugan Hargeysa ay isugu soo bixi doonaan afar goobood oo waaweyn halka kuwa aan caasimadda jooginna isku tagi doonaan Xafiisyada Gobolladooda.

“Taageerayaasha xisbiga Waddani iyo qof kasta oo muwaadin ah oo nala aragti ah, waxa aan ugu baaqayaa in ay ka qayb qaataan bannaanbaxyada nabadgelyo ee ay dhigayaan xisbiyada mucaaradka ahi, in ay ilaaliyaan nabadgelyada oo ka dheeraadaan wax kasta oo cunfi iyo dhibaato keeni kara”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Waddani Xirsi Cali Xaaji.

Cirro ayaa isna yiri, “Hubka ugu weyn ee aynu sidanaa waa seeri, waxa aynu ku afuufaynaa doorsho diidka, waxa aynu ku afuufeynaa caddaalad darrada iyo dulmiga, waxa aynu ku afuufeynaa caburinta, xariga sharci darrada ah iyo afduubka muwaadiniinta loo geysanyo gaar ahaan mas’uuliyiinya Axsaabta Mucaaridka ah iyada oo aan loo aabbo yeelin".

Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu Muuse Biixi ku eedeeyay inuu soo xiray albaabkii doorashooyinka & dimuqraadiyadda, isagoo tilmaamay in Muuse uu doonayo inuu Soomaaliland u xukumo sida uu jecel yahay ee uu kursiga ku sii haysan karo taas oo aan sinnaba uga suurtagal ahayn in mucaaradku aqbalaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xubno sar sare oo xilal muhiim ah ka hayay xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, ayaa u xiran maamulka Muuse Biixi, sidoo kale, waxaa wali xabsiga ku jira shacab iyo wariyayaal lagu xiray bannaan-bixii ay bishii Juun mucaaradku ka dhigeen Hargeysa, mar kale maata waxaa laga cabsi qabaa in mudaharaadku rabshado xooggan sababo.

Soomaaliland 30 sano ka hor ayay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya, hayeeshee, wali ma aysan helin wax aqoonsi ah, adduunku wuxuu ku doodayaa in aqoosiga Somaliland kaliya uu yaallo Muqdisho, isla-markaana ay tahay in ay go’itaankooda kala xaajoodaan Koofurta oo hoggaankeedu uusan ku dhicin inuu madaxbannaani siiyo Somaliland.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.