Galmudug: Bannaanbaxayaal lagu xiray Guriceel

Hooyooyin dhigayay bannaanbax ay ku dalbanayaan in war rasmi ah laga siiyo caruurtooda la askariyeeyay ee loo qaaday Eratariya ayaa lagu xir-xiray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud

Warar Keydmedia Online
Galmudug: Bannaanbaxayaal lagu xiray Guriceel

GURICEEL, Soomaaliya - Hooyooyin bannaanbax ka dhigayay Degmada Guriceel oo ka tirsan Galmudug ayaa la xir-xiray kaddib markii Ciidamaa ammaanka ay isku dayeen in ay kala diraan balse ka dhago-adeegay.

Xasaradda ka dhalatay dhalinyarada la sheegay in ay ku geeriyodeen dalka Itoobiya iyagoo ka qeyb qaadanaya bur-burint maamulkii TPLF ayaa cirka isku shareertay, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan soo bandhigin caddeymo muujinaya inay wiilasha la qalday ay nool yihiin, si waalidiintooda ugu qancaan.

Haweenka bannaanbaxa isugu yimid ayey Ciidamada magaalada Guriceel xireen, iyagoo dalbanayay in Carruurtooda dib loogu soo celiyo, haddii ay nool yihiin, haddii ay dhinteena loo sheego war ay ku qancaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.