Baraanburkan waxaa laga tiriyaay qaraxii hotel shaamoow, waa xanuun lama ilaawaan ah.

(W/Q: Sucaad) Qaraxii shaamoow qasaarooyinkii ka dhacay* Qaluubta na wada xanuunto qiyaas lahayn* Qoon habaar qaba qarankeena dhaaweceen* Qadar saacadah aniigo wax qabadki gabay* Qalibigay qaban qaabinahayo baraanbur qaran*
Warar Keydmedia Online

Qaaliyaasha qayladhaan qaaday baa i qanciyaay*
Qaadir ha noo daayste waa koox la quuri karin*
Qalad ma qaataano qarankay ilaaliyaan*
Qalinka waxay u qaataan cidii qariban*

Qalqiga soomaaliyed kii damiir qabaa*
Qalbigooda kama harayso qaraarki dhacay*
Qaaliyaal aan la huriin oo bulshada hagaan*
Qasaaradi aan ku weeynan qisaynayaa*

Qamaryo Waayeel qarixii wad looga dhigay*
Qaaligi Cadow Cadaaladiisi lagu calfaniin*
Qaliinka ditooradii qaabilsana qarshey*
Qarankii sporti-gina ka qalay Colaad*
Qalinka dhalintii ku baasto Qasaara dhigay*
Qaybihii saxaafadiyo qof wax gala hanbayn*
Qaymaha dadkii lahaa baa qabuur ku galay*
Qarniya la xasuusan doona qaracanka dhacay*

Qibrada cadowgan lahayno dalka qabsaday*
Qarow ku nool weeye qarankeena ridimayaan*
Qalaalaasihii sokeeyuu kusoo Qaldamay*

Qisooyinkii nagu dhacaan qaar ka sheegayaa*
Qaraabo la kala qo,qobay baa qabiil la yiri*
Qoriga laayskugu cabeeyo is wada qaleen*
Qarankii dumay iyo qasaaroyinkii dheceen*
Qayri kama dhalan qaliiil baa la taagan yahay*

Qaadirow naga saar qaloocaan dhamaadka qabin*
Qayrka lagu wada midoobo qilaafku haro*
Qaymaha nabadana dadkeygu dhabtii u fahmaan*
Qaranka loo wada adeego Qabiilku haro*

W/Q: Sucaad.

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.