Barakac oo billowday Guriceel iyo Qoor-Qoor oo diyaariyay guluf dagaal

Shacabka magaaladda Guriceel ayaa farta ku haya wadnaha, waxayna noqdeen dareen ku joog kadib markii ay fashilmeen waan-waantii socotay.

Warar Keydmedia Online
Barakac oo billowday Guriceel iyo Qoor-Qoor oo diyaariyay guluf dagaal

GURICEEL, Soomaaliya - Dadka ku dhaqan Guriceel ayaa qaarkood billaabey inay guryahooda ka barakacaan, kadib markii ay soo foodsaartay cabsi la xiriirta inuu dagaal ka dhaco.

Waxay dadka u cararayaan tuulooyin nabad ah ee G/Galgaduud, si ay uga badbaadaan duulaanka Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku yihiin magaaladda oo Ahlu Sunna joogto.

Geedaha hoostooda ayay dadku daadsan yihiin hareeraha magaaladda Guriceel, waxaana ay ku wajahayaan halkaas dhibaatooyin dhanka nolosha ah, maadaama aysan haysan hoy ay ka galaan cadceeda kulul iyo qabowga habeenkii.

Intii ku hartay magaaladda ayaa ah dareen ku joog, waxaana la filan karaa saacad kasta inuu dagaal qarxo, kadib markii ay fashileen dadaallo nabadeed oo socday maalmihii lasoo dhaafay.

Wasiirkii Amniga maamulka Qoor-Qoor Axmed Maclin Fiqi oo maalmo kahor xilka iska casilay ayaa sheegay in Galmudug xiligan xamili karin dagaal sokeeye, isagoo ka digay in duulaan lagu qaado Guriceel, si Ahlu Sunna looga fara-maroojiyo.

Xaaladda Galmudug ayaa sii cakirmaysa, mana muuqato rajo ah in Ahlu Sunna iyo Qoor-Qoor miiska wadahadalka ku dhameyn karaan khilaafka jira, oo laga digayo inuu dagaal isku bedelo.

Ahlu Sunna oo dhawaan soo rogaal-celisay ayaa 1-dii bishan dagaal la'aan kula wareegtay Guriceel iyo degaanno dhowr ah oo 30-KM u jira Dhuusamareeb, waxayna Xildhibaanno kasoo jeeda Galmudug sheegeen in hadii Caasimadda la qabsado ay u dhamaatay Galmudug-tii dhismaheeda waqtiga iyo dhaqaalaha badan lagu bixiyay.

Ciidanka laga qaadey Muqdisho ayaa Farmaajo iyo Fahad u direen Qoor-Qoor oo xulufo yihiin, si ay u badbaadiyaan Maamulkiisa qarka u saaran inay Kooxda Ahlu Sunna la wareegto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.