Barakacayaal kaalma caafimaad la siiyay

Muqdisho(keydmedia) Dhaqaatiirta da’da yar ee wareegta ayaa maanta kaalma caafimaad u fidisay barakacayaal ku nool magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online

Barakacayaashan oo ku nool agagaarka isbitaalka Banaadir ayaa dhalinyarada dhaqaatiirta ah waxa ay u sameeyeen fiisito iyo daweyn lacag la’aan ah  oo ay ugu tabaruceen jeebabkooda.

Dr Max’ed Xasan Calasow oo gudoomiyaha dhaqaatiirta wareegta ayaa sheegay in kaalmadan ay ka danbeysay kadib markii ay darseen dhibaatada caafimaad daro ay heysata dadka barakacayaasha ah.

Barakacayaasha loo qabtay adeega caafimaad ayaa qeyb ka ah dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka caafimaad daro ay ku saameeyeen xeryaha barakacayaasha aana awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka isbititaalada leysaga rabo.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.