Barakacayaal tacshiirad la huwiyay

Ciidamo ku labisan Dareesk Dowlada ayaa maanta barqanimadii iyaga oo wata gaadiid dagaal iyo hub kale duwan waxa ay tageen warshadii hore ee mar marka oo ku dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle
Warar Keydmedia Online

 

Goobta ay ciidamadu weerareen ayaa waxaa daganaa dad danyar ah oo barakacyaal ah kuwaa oo isaga kala yimid deegaano kale duwan oo ka tirsan Magaalada muqdisho kadib markii ay u dulqaadan waayeen dagaalada.

Mid ka mid ah Dadkii goobta ku sugnaa xiliga falkani uu dhacayay ayaa u sheegay Warfidiyeenka in rasaasta ay halkaasi ku fureen ciidamada ay ku dhawaacmeen seddex ruux oo kale ah nin oday ah Haweeney iyo cunug yar oo ay dhashay.

Mudadii ugu danbeysay waxaa aad u soo kordhayay dhibaatada barakacayaasha Soomaaliyeed ay ku hayaan ciidamada Dowlada waxaan kol hore ciidamo ka tirsan Kuwa Dowlada ay burburiyeen dhismayaal deegaanka afisyooni ay ka daganaayeen dad Soomaaliyeed oo danyar ah.

Keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.