Barcelona iyo Real Madrid oo dhinacooda dhulka ladhigay (Faahfaahin)

Sports (Keydmedia) - Kooxda Zaragoza ayaa waxa ay guul darro layaab leh dhabarka u saarisay kooxda Real Madrid oo ay marti u aheyd waxa ayna ugu awood sheegatay 3-2.
Warar Keydmedia Online

Ciyaarta qeybtii hore waxa ay ku soo idlaatay gool qura oo ay laheyd Kooxda Zaragoza  kaas oo daqiiqadii 41-ad uu dhaliyaya ciyaar yahan A. Lafita.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa goolkii labaad ee Kooxda Zaragoza waxaa daqiiqadii 57-aad dhaliyay  G. Fernández, waxaana intaa kadib dhiig iska baartay kooxada Real Madrid oo gool uu u dhaliyay ciyaar yahan S. Ramos daqiiqadii 62-aad.

Kooxda Zaragoza oo aad u kacsaned ayaa iyadu waxa ay goolkeedii sedaxaad latimid daqiiqadii 77-aad kaas oo uu usaxiixay ciyaar yahan  A. Lafita iyada oo dhamaadkii ciyaartana kooxda Real Madrid goolkeedii labaad uu shabaqada Kooxda Zaragoza  uu  gaarsiiyay K. Benzema.

Daqiiqadii 87-aad  ee ciyaarta waxaa garoonka laga saaray R. Carvalho oo kamid ah ciyaaryoda Real Madrid

Xidigag ciyaarta ayaa waxa uu ahaa Angel Lafita oo suura geliyay guusha kooxdiisa oo ay u aheyd guushaani mid taariikhi ah oo ay uga fogaan karayaan in ay kulaabtaan kooxha heerka labaad kadheelaya xilli ciyaareedka soo socda.

Dhanka kale, kooxda Real Sociedad ayaa 2 – 1 ugu awood shegatay kooxda Barcelona.

Kooxda Barcelona oo goolka lahormartay ayaa daqiiqadii 29-aad waxaa u saxiixay  T. Alcantara, sidaasna qeybtii hore ee ciyaartu ku idlaatay iyada oo hogaanka heysa Barcelona, hasa yeshee latsahi badan oo ciyaartooyda Real Sociedad iyo macalinkoodu ay soo sameeyen waqtigii nasashada ayaa waxa uu keenay in ciyaartu waji cusub lasoo baxdo waxaana daqiiqadihii 71-aad iyo 82-aad laba gool oo deg deg ah ukala dhaliyay lacibiinta kala ah  D. Ifran  iyo X. Prieto (pen.)

Horytaalka Ingiriiska hadii aan eegno ciyaar aad u xiiso badan ayaa lasugayaa in ay dhex marto galabta kooxaha  Arsenal  iyo Manchester U. oo ah kooxa si aad ah u xifaaltama, ciyaarihii shalay iyo xalay Ingiriiska kadhacayna kooxada Chelsea ayaa 2 – 1 ku dubatay kooxda Tottenham H.

Horyaalka  Talyaabniga xalay waxa guul darro dhabrka loo saaray Inter Milan oo kooxda Cesena ay ku dubatay 1 - 2 iyada oo Napoli ay 1 - 0 ugu muruq sheegatay Genoa waxaana galabta iyo caawa lasugayaa kulamo kale oo ay ugu xiiso badanyihiin AC Milan iyo Bologna iyo Bari iyo AS Roma

Keydmedia Sports

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.