Barcelona oo u awood sheegtay Real

Sports(Keydmedia) Ciyaar aad u kululeed isla markaana indhaha bahda Sports-ka ay ku sii wada jeedeen ayaa xalay dhex martay Naadiyada Barcelona iyo Real Madrid, waxaana ciyaartan ay ka tirsaneed kulan ciyaareedka loo yaqaan Clasico
Warar Keydmedia Online

Taageerayaasha labada naadi ayaa si isku mid ah u rajeynayey natiijo guul ah laakiin hanka Real iyo taageerayaasheeda ayaa isbadal ku yimid kadib markii ciyaariyahanka la yiraahdo David Villa uu 2 Gool oo deg deg ah u ansixiyay Barcelona.

Ciyaarta oo marba marka ka danbeysa xiisa gaar ah sii yeelaneysay ayaa natiijadii ugu danbeysay waxa ay noqotay 5-0 oo lagu macsalaameeyay Real Madrid.

Taariikhda inta la xasuusanyahay waa kulankii 2-aad ee naadiyadan ay ku kala badiyaan natiijo intaa la eg, waxaana sidoo kale ciyaar dhacday sanadihii 1993-1994 Madrid lagu macsalaameeyay natiijo la mid ah tii xalay.

Barcelona waxey haatan horyaalka ku hogaamineysaa 34-dhibcood halka Madrid ay leedahay 32 min 13 kulan oo ay ciyaareen.

Taageerayasha labada Naadi ayaa xalay ku kala hoyday laba dareen oo is weedaarsan, waxana bahda Barcelona ay la hoyatay farxad halka reer Madrid ay dhabarka u riteen naxdin.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.