Bariise: Ammaanka Muqdisho waan soo celineynaa

Muqdish(keydmedia) Afhayeenka Ciidamada Booliska ayaa shaaca ka qaaday in Booliska iyo Milatariga oo is biirsanaya ay wax ka qaban doonaan ammaanka guud ee gobalka Banaadir.
Warar Keydmedia Online

C.llaahi Xasan Bariise  waxa uu sheegay in taya ahaan ciidamada dowlada iminka ay yihiin kuwa diyaarsan taya ahaan iyo niyad ahaan isla markaana ay ammaanka wax badan ka qaban doonaan maalmaha soo socda.

Hadalka Bariise ayaa ku soo beegmaya xili amni darro baahsan ay ku soo kordheysay degmooyinka tirada yar ee ay dowlada ka taliso, kuwaasoo xoogaga mucaaradka ay ka fuliyaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan intuba.

Dhanka kale Mukhtaar Mansuur oo ka tirsan Saraakiisha Shabaab ayaa shalay isaga oo ku sugan Baydhabo waxa uu ku baaqay in la sii xoojiyo dagaalka ka socda Muqdisho ee ay dadka ku dhimanayaan kuna dhaawacmayaan.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.