Kobcinta waxsoosaarka xoolaha iyo kalluumeysiga oo laga hadlay

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho Daah-furka barnaamij loogu magac daray Kobcinta Waxsoosaarka xoolaha iyo kalluumeysiga 

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Daahfurka Barnaamijkan oo loogu magac daray Kobcinta Wax soo saarka Xoolaha iyo Kalluumaysiga ayaa lagu qabtay Hotel Decale ee ku yaal magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro heer fedaraal iyo wasiiro ka socday dowllad Gobolleedyada Dalka, Gudoomiyaha Gobolka Benaadir, Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaliya, madax ka socotay Hey’adda FAO iyo ganacsato Soomalaiyeed.

Barnaamijka waxaa maalgelinaya Midowga Yurub, iyadoo fulinta barnaamijkana loo xilsaaray Hay'adda FAO ee ka tirsan UN -ka, waxaana la filayaa ayaa la filayaa in uu kor u qaado dhaqaaaha dalka, waxaana la rajeynayaa in uu shaqo abuur unoqdo dhallinyaro badan oo baagamuudoo ku ah gudaha dalka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.