Baro saaxiibka Fahad Yaasiin ee qaraxyada u sameeya Al-Shabab

Injineer Ismaaciil, oo markaas da'diisu ay ahayd 20-sano, ayaa sannadkii 2006-dii ka qalin-jabiyay jaamacad ku taalla dalka Suudaan, wuxuuna shaqada farsama-yaqaannimo ka billaabay Istuudiyaha Al-Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Baro saaxiibka Fahad Yaasiin ee qaraxyada u sameeya Al-Shabab

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay New York Times, ku qoreen Declan Walsh oo ah  wariyaha majaladdaas ugu sareeya arrimaha Afrika, Eric Schmitt, oo caan ku ah wax ka qorista argagixisada iyo Julian Barnes, oo ah xeeldheere wax ka qora hay'adaha sirdoonka, Fahad Yaasiin, saaxiibkiis ayaa ah, khabiirka ugu sarreeya dhanka qaraxyada Al-Shabaab.

November 17, 2020, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Cabdullaahi Cismaan Maxamed oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo sidoo kale loo yaqaan Injineer Ismaaciil, ku dartay liiska hoggaamiyayaasha Argagaxisada, kaasoo loo aqoon saday inuu yahay khabiirka ugu sarreeya ee Al-Shabaab u qaabilsan dhanka qaraxyada.

Sidoo kale, Dowladda Mareykanka, waxa ay sheegtay in Cabdullaahi Cismaan, kooxdaas u qaabilsan yahay guud ahaan maareynta howlgallada iyo wax soo saarka, isla-markaana uu yahay la taliyaha gaarka ah ee Amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye, uguna sarreeyo garabka warbaahineed ee muuqaallada u duubta kooxdaan xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Kataa’ib.

Intaas kadib, wariyayaasha aan kor ku xusnay, waxa ay Jariiradda New York Times, Oct. 24, 2021, ku qoreen, warbixin dheer, oo ciwaankeedu yahay [A C.I.A. Fighter, a Somali Bomb Maker, and a Faltering Shadow War], taasoo ay ku caddeeyeen in shaqsiga uu Mareykanku ku daray kuwa la doondoonayo ee Cabdullaahi uu yahay saaxiibka Fahad Yaasiin.

Warbixintu waxa ay sheegtay in Maxamed uu tusaale u yahay naxariis darrada, taasoo Al-Shabab ka dhigtay cadow aan nixin oo aad u daran. Wuxuuna ka yimid qoys dabaqadda dhexe ah oo Muqdisho ka soo jeeda, Aabihiis ayaa ka soo shaqeeyay, Hay’adda Al-Haramain Islamic Foundation, oo 2002-dii, lagu eedeeyay inay xiriir la leedahay Al-Qaacida.

Injineer Ismaaciil, oo markaas da'diisu ay ahayd 20-sano, ayaa sannadkii 2006-dii ka qalin-jabiyay jaamacad ku taalla dalka Suudaan, wuxuuna shaqada farsama-yaqaannimo ka billaabay Istuudiyaha Al-Jazeera ee magaalada Muqdisho, oo xilligaas uu madaxa ugu sarreeya ka ahaa Fahad Yaasiin, kaasoo isna ku biiray siyaasadda Soomaaliya.

Waxa cajiibka ah ee muujinaya lakabyada murugsan ee arrimaha Soomaaliya, ayaa ah in Cabdullaahi Cismaan Maxamed [Injineer Ismaaciil], uu markii dambe tababar ku qaatay xarunta Aljazeera ee dalka Qatar,  isla-markaana uu safarkiisa Dooxa, fududeeyay, Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, oo hadda ku magacaaban la taliyaha amniga Farmaajo.

Sida uu New York Times, u sheegay qof qoyskiisa ah, oo magaciisa la qariyay, Cabdullaahi wuxuu qoriga qaatay, kadib markii ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya dabayaaqadii 2006-dii, taas oo ka dhigan in isagoo dagaallame ah, uu socdaal Fahad fududeeyay ku tagay Qatar, isla-markaana uu ka mid ahaa howl-wadeennada Al-Jasiira.

Soo if-bixii Al-Shabaab, Maxamed, ayaa marka hore Kooxda ka caawinayay dhanka dacaayadaha, wuxuuna kaalin muuqata ku laaa warbaahintooda, kadib inta aan lagu darin dhallinyaro loo tababaray sameynta qaraxyada, kadib markii duqeyn lagu dilay dhowr nin oo ajaanib ah oo Al-Shabaab u sameyn jiray Qaraxyada.

Cabdullaahi, oo fasax u ah adeegsiga dhaqaalaha Al-Shabaab, ayaa hirgaliyay hannaan uu si qarsoodi ah, dekedda Muqdisho uga soo dajiyo walxaha qarxa, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah. Bishii Oktoobar 2020, waxaa la qabtay 79 tan oo sulfuric acid ah, oo ka mid ah walxaha qarxa oo Al-Shabaab loo gudbin lahaa.

Wabixinta New York Times, waxa ay dab ku sii shideysaa shakiga ah in Fahad Yaasiin saaxiibo badan ku leeyahay Al-Shabaab, kuwaas oo u fududeeya, dilalka siyaasadeed iyo caga jugleynta dadka isaga ka aragtida duwan, waana halka uu bartamihii 2017 ka billowday isku milanka hay’adaha amniga iyo Kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE   

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.