KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Taliyaha ciidanka Soomaaliya ugu darajada sareeya, Bashiir Goobe ayaa jawaab kulul ka bixiyey eed taliyaha ciidanka badda uu u jeediyey RW Rooble, taasoo ku wajahneyd inuu wado dhul boob.
MUQDISHO, Soomaaliya - Bashiir Goobe oo dhawaan loo magacaabey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, ayaa difaacay Ra'iisul Wasaare Rooble kadib markii lagu eedeeyay inuu boobayo, oo si sharci-darro ah ku dhisnayo dhul ku yaalla xeebta Liido, oo ku dhegan Safaaradda Turkiga.
Isagoo Warbaahinta kula hadlayay Baydhabo, ayaa Bashiir Goobe waxbka kama jiraan ku tilmaamay eeda taliyaha Ciidanka Badda Jen Cabdixamiid Dirir u jeediyay Rooble, isagoo xusay in taliyaha hadlay aanu xaq u lahayn inuu eeddeeyo mas'uuliyiinta dowladda ugu sareysa, marka loo eego sharuucda u degsan Ciidamada xoogga dalka.
Bashiir Goobe ayaa carabka ku dhuftay, in aanay jirin dhul danta guud ah oo ay leeyihiin ciidanka badda, oo uu boobay Rooble, balse dhulka dhismaha ku socda ay lee yihiin safaarado, kuwaa oo kal hore laga iibiyey. Dhulka wuxuu ku dhaw yahay Dekadda, waxaana agtiisa ku dhisay Safaaradaha Turkiga iyo Imaaraadka.
Wasiiru dowlaha ayaa eedda loo jeediyey Rooble ku tilmaamay mid laga damacsan yahay qorshe kale, oo lagu curyaaminayo hannaanka doorashooyinka socda, oo culeyskoodu uu dusha saartay Ra'iisul Wasaaraha.
Wuxuu tilmaamay in iminka xiriir wadashaqeyn uu ka dhaxeeyo Farmaajo iyo Rooble, islamarkaana haddalka taliyaha Ciidanka badda ka soo yeeray, aanu soo de-dejin doonin khilaaf ka dhex aloosma Madaxda ugu sareysa dalka.
Isagoo difaacayey Rooble ayuu sheegay, in ay ka go'an tahay inuu dalka ka saaro marxalada kala guurka ah, taas oo ah arrin ay si gaar ah masuuliyad ugu saaran tahay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.