KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Golaha Midowga Musharixiinata, ayaa cambaareeyay weerarka uu Farmaajo caawa ku qaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa si kulul u cambaareey weerarka ay ciidamo Farmaajo soo adeegsaday ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka degen yihiin Magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa lagu sheegay in weerarkaan ay qeyb ka ahaayeen ciidamada Gorgor oo dalka Turkigu tababaray, mushaarkana siiyo, waxaana waraaqda lagu xaqiijiyay in maanta Fahad Yaasiin uu AMISOM, ka soo qaatay hub iyo rasaas si uu u weeraro madaxdii hore.
AMISOM iyo Turkiga, ayaa looga digay in ay qeyb ka noqdaan dagaallo sokeeye, waxaana lagu caddeeyay in Farmaajo uu Xasan Sheekh iyo Warasme uu mid kasta labo mar weeraray.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.